Waxaa kaloo Garaadku caddeeyay inuu aad iyo aad uga xunyahay waxa dhacay, uuna hawshaa wax ka qabadkeeda u taaganyahay, isagoo la kaashanaya isimada, waxgaradka labada beelood ee wax kala gaareen iyo ciddii kaloo mudanba.
Waxaa kale oo garaadku ugu baaqay dowladda P/land, isimada, culumada iyo waxgaradka labada beelood inay si buuxda ugu istaagaan wax ka qabashada dhibaatada halkaa ka taagan.
Gabagabadii garaadku wuxuu intii dhimatay Ilaahay uga baryey dambi dhaaf iyo naxariis, inta noolna nabadgalyo iyo walaalnimo waarta.
Garaad C/laahi wuxuu ka mid yahay isimada gobolada Sanaag, Sool iyo Hawd ee kaalinta weyn ku leh ka shaqaynta danaha bulshada iyo xallinta mashaakilkeeda, beryahaana wuxuu ku mahquulsanaa dajinta shaqaaqada dadka walaalaha iyo dariskaba ah ee bariga iyo koonfurta Sanaag.
Halkan ka dhegayso Hadalkii garaadka
Awrboogays.com