Paul Chandler iyo Richard Chandler oo ah lamaane waayeel ah ayaa waxay kooxaha haysta afduub ku qabsadeen bishii Oktoobar ee sannadkii hore, xili ay ku jireen Dalxiis ay ku joogeen Afrika, waxaana ay dalbadeen lacag madaxfurasho ah.
"Afduubayaasha gacanta ku haya Paul iyo Richard waxay diideen inay sii daayaan labadan qof ee waayeelka ah, waxayna sheegeen inay doonayaan lacag inta ay ka helayaanna ay sii hayn doonaan" ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay la yeesheen kooxahaas xiriir dhanka taleefoonka ah si ay ugu qanciyaan inay sii daayaan labadan qof maadaama ay yihiin waayeello ay dalkooda ku nool yihiin Soomaali badan.
"Mid ka mid ah burcadbadeeda wuxuu inoo sheegay in lacagta ay raashinka ku siiyeen raashinka ay aad u fara badan tahay iyaguna aysan bixin karin, sidaa daraadeed ay doonayaan in lacag madaxfurasho ah laga siiyo" ayuu yiri Xaad.
Mas'uul ka tirsan burcadbadeeda haysta lamaanayaasha ayaa waxay sheegeen in xalaadooda caafimaad ay aad u liidato ayna xitaa awoodi la'yihiin inay socdaan, waxayna ku adkeysteen inay doonayaan madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 2-Milyan oo Dollar.
Soomaalida ku nool dalka Britain ayaa sheegay inay saameyn ku yeelatay labadan qof ee lagu haysto Soomaaliya, ayna dadka dalkaas ula dhaqmaan si ka duwan sidii horay ugu arki jireen.
Awrboogays.com