Mas'uulka Al-shabaab Sh. Axmed Godane ayaa isaguna u saxiixay heshiiska kooxdiisa, iyadoo ay goobjoogayaal ka ahaayeen xubno labada dhinac ka socday, waxaana heshiiskan uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
"Heshiiskan waa mid aan ku doonayno inaan heshiisyo kula galno kooxaha kale ee ku mideysan Xisbul Islam, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan dagaalkeena ka dhigno mid ku baaha Aduunka oo dhan" ayuu yiri Sh. Fu'ad Max'ed Khalaf oo ka hadlay xaflada.
Sh. Fu'ad wuxuu sheegay in heshiiskan uu yahay mid ay labadooda dhinac ku doonayaan inay dagaalada ka socda Somalia ku gaarsiiyeen Bariga Afrika oo uu sheegay inay gacanta ku hayaan dalal gaalo ah oo uu ku sheegay in laga tiro badan yahay.
"Dowlad Islaami ah inaan dalka Somalia iyo Bariga Afrika ka hirgelino ayay ujeedadeena ugu dambeysan tahay, waana gaaraynaa" ayuu yiri Sh. Fu'ad oo ka mid ah saraakiisha sasare ee kooxda Al-shabaab oo gacanta ku haysa inta badan Koonfurta Somalia.
Sh. Max'ed Dulyadeyn oo ka tirsan Raaskambooni oo horay uga tirsanayd Xisbul Islam, maantase ku biirtay Al-shabaab ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid uu qaata Sh. Xasan Tukey oo ah hogaamiyahooda, ayna ka baxeen Xisbul Islam.
"Waxaan diyaar u nahay inaan qayb libaax ka qaadano sidii lagu dhisi lahaa dowlad Islaami ah oo ka dhalata Somalia" ayuu yiri Sh. Dulyadeyn, iyadoo Sh. Xasan Tukey uu noqonaya mas'uulkii ugu sareeyay oo ka baxa Xisbul Islam, isla markaana kala baxa kooxdiisii oo ahayd tii ugu awooda badnayd.
Ururka Xisbul Islam ayaan ka hadlin kooxdan ka baxday, iyadoo Sh. Xasan Turkey uu ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeestay dagaalkii ka dhacay Jubada hoose ee uu hogaaminaya Sheekh Axmed Max'ed Islam (Sh. Axmed Madobe), kaasoo sheegay inuu dagaalka sii wadi doono inta uu ka xoraynayo jubooyinka wax uu ugu yeedhay khawaarij waa sida uu hadalka u dhigaye.
Awrboogays.com