Waxaa dhici kartay in maalmaha qaarkood hal maalin ah la dilo wax ka badan kun qof sidii ka dhacday Xamar, Kismaayo, Gaalkacyo iyo meelo kale. Saasooy tahay, niman jaamacado diimeed ka soo baxay ama culumo ahaa baa qaarkood ku howlanaa mucaskarro-dhisid.
Mucaskar-dhisidda waxaa looga dan lahaa inaan lagu milmin qabiillooyinka, loona hiiliyo xaqa.
Wiilal badan oo jaamacado diin iyo mid maaddi ka soo baxay baa dagaal qaab daran la gashay sida kii Araare iyo Waqooyi Bari Soomaaliya ka dhacay.
Dakaatiiradii iyo culumadii saas yeeshay qaarkood, haddaysan ahayn intoodii badnaa waxay hoos joogaan kuway la dagaaleen!
Dakaatiirada iyo culumadu waxay mucaskarro iyo dagaallo ka sameeyeen gobollo ka badbaaday dagaalkii sokeeye sida Waqooyi Bari.
Inkastoo Al-Itixaad waxyaalo fiican ka sameeyeen dhulkaas haddana madaxdoodii lama imaan xikmad ay ku soo jiitaan shacabkii iyagoon dagaal sameyn; markii la dagaalayna ma samrin oo waxay kala direen wiilashii oo in badan oo ka mid ah raalli ka ahayn kala-dirkaas.
Dakaatiiradii iyo culumadii horboodaysay Al-Itixaad intoodii badnayd waxay hoosjoogaan kuway la dagaalayeen!
Ma maqal meel dakaatiiradii iyo culumadii ay shacabka Soomaaliyeed kaga raalli geliyeen waxay sameeyeen.
Keliya waxaan arkaa iyagoo xaasidnimo u qaaday wiial keenay wax dadkii mahadiyey. Waa Shabaab iyo Xisbul Islaam kuwooda Jihaad doonka ah.
Sheekh Paltalk iyo idaacadaha ka dhaha isagoon kala saarin waxa Soomaaliya ka dhacaya waa fidno baan xasuustaa isagoo London noogu yimid markii Tigree-raacyada iyo Tigreegu soo weerareen Luuq iyo guud ahaan Gedo. Waa 19996-dii.Sheekhu waddan kale oo Yurub ah buu ka yimid.
Wuxuu yiri; dadkii aan ka soo tagay ma kala kicin oo waxay aruurinayeen lacag loo diro jihaadka ka socda Luuq. Marka adinkuna sidaas yeela. Wuxuu noo akhriyey Aayadaha iyo axaadiista ku saabsan JIhaadka.
Wadaadka qarashka u aruurinayey wiilal Luuq loogu yimid hadda wuxuu ka soo horjeedaa wiilasha heysta Jubbooyinka, Gedo oo Luuq ku jirto, Shabeellooyinka, Hiiraan, Baay & Bakool iyo Galgaduud qeybo ka mid ah.
Haddeer buu masaajidda ka leeyahay yaan wiilashaas la caawin (si guud bay u dhahaan yaan cidna la isagu tegin). Sheekhu ma sheegin waxa shalay wiilal hal degmo heysa loo caawinayey; kuwa waddanka badankiisa heystana aan loo caawineynin? Wallee “war on terror” dad waa kala saaray.
Nimankaas Jihaadka noogu yeeri jiray ee hadda ka jeestay waxba kama sheegaan marka Mbagathi iyo Carta lagu shirayo haddaysanba ka qeybgelin. Hadde waa meel qabiil wax lagu qeybsanayo.
Marka hadday dagaaloogayaasha iyo “siyaasiyiinta” ay sheekadu ugu baxdo; maxay Shabaab hadalka ugu gubaan?
Labo sheekh oo hadda kala noqday Salafiyo Jadiidah iyo Ictisaam baa Nairobi muxaadarooyin isku soo qaatay.
Waxaa la isku heystay: imaam la’an jihaad ma la geli karaa. Dadka badankiisu waxaa la taageeray kii Ictisaam.
Haddeertaan marka Jihaadka Soomaaliya ka socda la eego, ma garanayo farqi u dhaxeeya labada sheekh!
Waxaan helay cajal fadwo ah oo laga duubay sheekh Muqbil (AUN) oo ku saabsanayd Shariif C/Nuur Allaha xafidee iyo Soomaali Galbeed. Sheekh Muqbil waxbuu ka sheegay sheekh Shariif maaddaama been looga sheegay laakiin wixii Shariifka lagu heystay waxaa ka jawaabay sheekh Muqbil isla cajaladda. Shariifka waxaa lagu heystay wuxuu taageeray Jihaadka ka socda Soomaaliya iyo Soomaali Galbeed.
Wuxuu la saftay Al-Itixaad. Mar la weydiiyey sheekh Muqbil (AUN) in mujaahidiinta Soomaali Galbeed Zenawi kula dagaali karto Soomaali Galbeed wuxuu yiri: haa oo hadday amiir samaystaan waa u bannaan tahay isagoo soo qaatay qisadii Abuu Jandal (RC).
Sheekhu waa asiibay arrintaas laakiin xitaa haddii sheekh Muqbil dhihi lahaa: yaan far la qaadin sida hadda Salafiya Jadiida dhahaan kama yeeleen! Sabab? Haddee culumada gef laguma raaco.
Marka sheekh Muqabil (AUN) oon aad ula socon arrimaha Soomaalida baa saas ka yiri Soomaali Galbeed. Ka warran ninka jihaadka diidan iyadoo Shabaab amiir leeyihiin, intaas oo gobolna heystaan iyadoo weliba Tigreegii joogto Balanbale, Kalabeyr, iyo meelo kale? Iyadoo Amisom Xamar ka taliso.
Soo ma aragtid fatwada sheekh Muqbil waxay raacday tii Shariif C/Nuur iyo kuwii Ictisaamku waagay Al-Itixaadka ahaayeen baxsheen. Waana saxsanaayeen markaas.
Ilaah baan ku dhaartee nimankaas dakaatiirada ah in badan oo ka mid ah 20-kaas sano inaysan gaajo iyo dhib midna arag.
Markay qaxootiyada yimaadaan waxay seexan jireen huteellada ugu qaalisan. Dambi maaha in qofku nolol fiican helo ee waxaan ka wadaa sida Ilaahay ceyshka ugu sahlay.
Xitaa markay Al-Itixaad taageerayeen waxay joogeen magaalooyin nal, biyo iyo adeegyo leh.
Nimankii saas ahaa baa raba: inay naga dhaadhiciyaan Araare, Boosaaso iyo Luuqna jihaad bay ka galeen; kan hadda Mujaahidiintu kula jirto Tigree, Amisom iyo gaala-raacyaduna waa fidno!
Horta waxaa weydiinayaa goortay raalligelinta na siiyeen ooy dhaheen: wey ku khaldanayeen dagaalkay la galeen Maxamed Faarax Caydiid, C/hi Yuusuf, Cumar Xaaji Masale, iyo Tigreega.
Waan u sheegnay waagay la haayeen Shariifka iyo Mujaahidiintaan heshiisiineynaa inaanan Shariif wax xukumin.
Waxaa iiga daran say cadowga noogu gol qabanayaan.
Nimankay lahaayeen waa dowlad Islaami ah, kuwoodii Midowga Maxkamadaha ka soo galay waxaa 23/01/10 lagu wareejiyey inay hoostagaan Amisom. Shariifku wuxuu u yiri: waxaa lagu wareejiyey milatariga iyo Booliiska Soomaaliyeed. Haddii milatari iyo booliis jiro, Salaad Cali Jeelle iyo Cabdi Qeybdiid baa joogi lahaa.
Dhib ma leh in dakaatiirada iyo culumadu mas’alo ku qabsadaan Shabaabka iyo Xisbul Islaam laakiin arrinta Jihaadka oo shakiga la galinayo waa khalad. Haddii halgan khalad ku jiro kii Araare iyo Boosaasaa u ekaa maxaa yeelay dagaalladaas markaas gaalo toos ah kuma jirin laakiin kan hadda Mujaahidiinta heysta waxaa hagaya gaalo.
Ma Amisom baan hadda Xamar xukumin? Ma Tigreegaan xukumin kuwa qabuuraha gala?
Marka dakaatiirada iyo ducaadda waxaan u sheegayaa inaan Jihaadku ahayn dibloomo la is guddoonsiiyo.
Diintaa horay u caddeysay. Marka inta Ilaahay ka baqdaan mabda’aad shalay ku socoteen ee la idiin ka bartay haka leexanina ee cidna raalligelin idin kama rabtee xaqa sheega. Qofkii iska gaabiya yuusan Mujaahidiinta iyo bulshada isku dirin. Waa la dhimanayaa ee waxaa fiican in qofku raad fiican uga tago dalkiisa iyo diintiisa.
Marka culumadii iyo dakaatiiradii lahaa Luuq halagu jihaado inay 15 sano kaddib iyadoo Amisom iyo Tigree joogaan Soomaaliya dhahaan Jihaad ma jiro waa waalli. Marka dibloomada ah inaan jihaad jirin siiya qeyrkay!
Waxaan helnay wiilal Shahaadada ka doonta Ilaahay oo midda jaamacadi u arka mid cid kasta bixiso. Waxaan urinayaa guushii maaddaama la kala baxay.
Waxaa ii muuqda Daa’ifatul Mansuurah. Marka Jihaadka lagu jiro ma aha kiinnii ee waa kii Ilaah banneeyey.
Marka bal idinka yaan qurbaha la idin ku dulleysan. Ducaad qurbaha joogta oo Xaj loo diiday baa sheekh Shariif difaacay markuu Maraykanka tagay oo masaajidda caayey.
Taas badelkeed waxaa lagu abaalmariyey in Xajkii ku xigay loo ogolaado dabadeedna wuxuu sii sheegay in fidno Soomaaliya ka jirto. Waxaan filayaa arrintaas inay daacigaas iyo kuwa la midka ah siineyso fasax ah in FBI aysan faraha la soo gelin. Waxaa liibaanay qofkii Ilaah raalligeliya. INNAA IDAA NAZALNAA BI SAAXATI QOWMIN FA’SAA’A SABAAXUL MUNDARIIN SUBXAANAKALLAAHUMA WA BI XAMDIKA ASTAQFIRI WA ATUUBU ILEYKA.
Qoraalkan waxaa iska leh qoraaga sawirkiisu idiin muuqdo.