Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
Socdaalkii Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jakarta Mudane Colow ee Malaysia.

Sida aad horay ula socoteen waxaa bartamaha bishan Janaayo ku sugnaa dalka Indonesia ganacsato Soomaaliyeed iyo wafdi rasmi ah oo uu horkacayay Wasiirka Ganacsiga Md. C/Rashiid Maxmed Cabdi “Ciro”. Booqashadaas oo ujeedadeedu aheyd sii xojinta xiriirka ganacsi ee dalalka Soomaaliya iyo Indonesia, iyadoo ah ku soo gebagabowday is afgarad iyo heshiis rasmi ah oo ay kala saxiixdeen labada Wasaaradood Ganacsi ee Indonesia iyo Somalia oo ay u matalayeen Mr. Cirro iyo Mrs. Elka.


 


 



 

 


Kadib booqashadaas ayaa qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo uu hor kacaayo Danjire Colow waxay u soo kicitimeen dalka Malaysia. Danjire Colow ayaa ka helay casuumaad dowlada Malaysia gaar ahaan Madaxa Laanta Socdaalka Malaysia Dato Abdulrahman Othman, waxayna ka wada hadleen arrimaha sharciyada ardada iyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia, waxayna isku afgarteen in wax laga qabto dadka ku xir xiran xabsiyada Malaysia, sidoo kalena loo fududeeyo sharciyada ardada dooneysa inay wax ku barato jaamacadaha Malaysia, iyadoo il gaar ah lagu haynayo cid walba ee wax u dhimaysa sharciyada iyo nimaadka socdaalka wadanka Malaysia, wuxuuna ballan qaaday Madax Laanta Socdaalka inuu gacan adag kula diri doono cid walba ee abuureysa socdaal sharci darro ah oo loogu safro wadamada deriska sida AUSTRALIA, cafisna aan loo fidin doonin cidii ku safrayso wado sharci darro ah (TAHRIIB), ayna ka warhayaan dhaqdhaqaaqyo noocaas ah.


 


 




 

 


Sidoo kale wuxuu Danjiruhu ka sii shaqeenaayay booqasho uu ku imaanayay dalka Malaysia Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyada Md. Shariif Xasan Sheekh Adan oo soo gaaray magaalada Kuala Lumpur 23 January 2010. Danjire Maxamuud Colow Barow ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay bulshada qeybaheeda kala duwan sida aqoonyahanada islamrkaasna ka ah macalimiin jaamacadaha ugu waa weyn dalka Malaysia, midowga ardayda, qaar kamid ah xubnaha Jaaliyada, odey dhaqmeedyo, ganacsato iyo kuwa kale. Mar uu la hadlaayay Mudane  Colow midowga ardayda ayuu kula dardaarmay in xooga la saaro in la helo xarun lagala socdo wax qabadka ardayda, qoraaladooda, wax soo saarkooda iyo in loo sameeyo taba baro joogta ah fartana laagu fiiqo in ay yihiin madaxda mustaqbalka loona baahanyahay in hada laga sii shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa afkaartooda. Waxa kaloo uu balanqaaday Danjiraha, in ay safaarada ka caawineyso wax alaale waxii dokominti sax ah ay u baahdaan in ay 24 saacadood gudahooda ugu soo direyso si aysan ardayda hakad uga galin wax qabadka safaarada, waxaana hadalada Danjire Colow ka mid ahaa “waxaan ahay Aabihiin oo ku faraxsan hormarkiina jecelna in uu idiin daryeelo sida caruurtiisa oo kale ee dadaala wadanka aad buu idinkugu baahanyahay xaalada hada lagu jirana waa ay dhamaan doontaa hadii Alle idmo”  waxuu kaloo kahadlay sidii loo weyneyn lahaa sanadguurada 1da Luulyo ee sanadkan maadaama ay ka duwantahay kuwii hore oo ay tahay nus qarni (50 sano) iyadoo ardayda  runtii aad ay ugu riyaaqeen sida hagar la’aanta ah ee uu ula taliyay Safiirka iyagoo dareemaayo in ay jirto dowlad ka war qabta ardaydeeda ugana mahad celiyeen garab istaaga uu garab taaganyahay hormarka bulshada gaar ahaan ardayda.


Danjiraha Waxey sidoo kale kala war qaateen aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo qeebaha kala ee bulshada isagoo mar kasta kula dar daarmaayey in ay xoojiyaan xiriirka dhexdooda una adeegsadaan aqoontooda dhanka saxda ah isla markaasna ku talagalaan in uu dalka u baahanyahay aqoontooda. Safiirka oo aan kadaaleynin kulamada u la yeelanaayey Soomaalida Malaysia iyo xubno asxaab Malaysian ah, waxaa sidoo kale kusoo booqday safiirka hotelka uu daganaa Madaxa college-ka Rima Mr. Philip halkaas oo uu kaga dhegeystay xaalada ardayda Soomaliyeed ee dhigata college-ka, kana codsaday in ay xooga saaraan sidii ardayda loo baraarujin lahaa, tartan aqooneedna loogu beeri lahaa si ay dhexdooda ugu tartamaan; ardaygii kaalin galo loo balanqaadaayo wax barasho lacag la’aan ah oo uu college-ku bixin doono. sidoo kale in ay ka qeyb qaataan barnaamijada horumarinta ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Malaysia.


 


 



 

 


Maahan mar iyo laba inta uu Safiirka yimid Malaysia oo uu la kulmo bulshada qeybaheeda kala duwanan. Mar aan wax ka weydiiyay aqoonyahanadii iyo ardeydii ka qeyb qaadatay kulankii Danjire Colow iyagoo ka tarjumaayo shucuurtooda ayey ii sheegeen in ay maqli jireen in Danjire Colow lagu naaneeso Maxamed Soomaali balse ay dhaheen markaan baranay ka dib waa uqalmaa magaca uu wato ee waa Mudane ku dayasho mudan lehna hormar iyo aragti fog.


 


Dhanka kale, sidaan horay u xusnayba waxaa ka mid ahaa ajandayaasha uu u yimid Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Jakarta in uu la kulmo Madaxa Laanta Socdaalka Malaysia si uu kala hadlo dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:


 


In lasii daayo ardayda xabsiyada ku jirto, cafisna loo fidiyo, si ay hore ugu sii wataan waxbarashadooda.


In loo fududeeyo ardada iyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia sidii ay u heli lahaayeen E-Passport –ka ay dawladu bixiso oo loo maray wadada saxan, si ay u sahlanaato u wareejinta sharciyadooda.


In cidii dooneysa in ay si wax ku barato wadankan Malaysia ee aan haysan sharci loo fududeeyo in ay qaataan E-Passport macluumaadka qofkana la xaqiijiyo, si ay dawlada Malaysia ugu fududeyso helida sharcigii uu wadanka ku joogi lahaa.


In dowlada Malaysia wax ka qabato arinta ‘qaadka’ oo dib u dhac u keentay qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed talaabo sharciyeesana laga soo saaro.


 


Intaba waa ay balanqaaday dowlada Malaysia waxaana balanqaadkaas hirgelintiisa ka sii shaqeyn doona safaarada Soomaaliya ee Jakarta oo diiwaangelin ku sameynaysa inta dhibaatada ka heysato sharci la’aanta, cafisna uga dalbeysa dawladda Malaysia si uu u helo sharcigii uu ku degi lahaa wadanka, haddii aanu gelin dambiyada xukunkun adag ka yaalo wadanka.


 


Gebagabadii, safarka Danjire Colow  ayaa ahaa mid wax ku ool ah isla markaana xoojinaayo xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Malaysia farxadna galiyay bulshada Soomaaliyeed ee Malaysia in ay arkaan madax kasoo wardoontay ugana mahad celineyso madaxda dalka Malaysia  soo dhoweynta iyo martigelinta ardada iyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia.


 


Wariye, C/raxmaan Jaamac Afrax


helos69@hotmail.com