tuulada Tukaraq sida ay u xaqiijiyeen goob joogayaal iyo waliba saraakiil ka tirsan ciidanka ilaallada madaxtooyada Puntland.
Mid ka mida masuuliyiinta Ilaallada madaxtooyada oo codsadey in aan magaciisa la shaacin ilaa ay haboonaato ayaa nooga waramey in uu ilaalo ahaan u raacey Wasiir ku xigeenka.
“….. waxaanu gaadhney Tukaraq waxaana jirtey xiisad iyo dhaq dhaqaaq milatari oo ay wadeen ciidamada Soomaliland waxaana Wasiir ku xigeenku noo sheegey in aanu duleedka magaalada Tuka raq ka soo qaadi doono nin odey ah, waxaan saarnaa gaadhi Mark 2 ah oo uu watey Xisaabiyaha gobolka Sool. aniga iyo rag kale oo ilaalada ka mida, cabaar ka dib waxaa ii muuqdey askar iyo baabuur ciidan waxaan amrey in darawalku joojiyo gaadhiga maadaama aan dareen sanaa in xaalad iyo dhaq dhaqaaq jirey……” Sidaasi waxa yidhi mid ka mida ilaalada gaar ah ee madaxtooyada Puntland isagoo hadlkiisa sii watana wax uu yidhi.
“……gaadhigii waa joogasadey waxaanan u diyaar garoobey is difaac anoo darwalka ku amrey in uu dib u noqdo si aan gaadhiga Wasiirka oo naga danbeeyay uusan ugu gacan galin cadowga, balse waxaa si xowliya nagu dhaafey gaadhigii Wasiirka oo istaagey meel wax yar noo jirta oo ay tag taagnaayeen rag dhawra oo ciidan ku wareegsanyahey, waan soo degney anigoo aan wali waxba fahmin laakiin aan qanacsaneyn…..”
Waxa kaloo uu intaasi ku darey masuulkani wali waan yaabanahey dareenkeyguna ma dagana isagoo hadlkiisii sii watana waxaa uu yidhi.
“……Wax yar ka dibna waxaa aqoonsadey muuqaalka gaadhi waddada ag yaala oo nooca dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada Somaliland, dhanka wadada ayaa hadana eegay waxaan arkey Wasiir ku xigeenkii oo soo degey oo ay is gacan qaadayaan niman tuute xidhan, hadaan u kuur galey oo aan aan ku soo dhawaadeyna waa Taliye cali Afdheere iyo faysal oo aha Taliyihii lagu badaley sarkaalkii dhawaanta lagu diley laascaanood ee qeybta 12 ee ciidanka soomaliland …..” sidaasi waxaa mar kale sheegey sarkaal ka tirsan ilaallda madaxtooyada Puntland.
La soco qeybta danbe ee warkan oo aad ku arki doontaan qeybtii labaad ee warka la xidhiidha kulanka Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland oo soo gaadhey aagaasi si ay u baajiyaan kulan ay Isamada gobolka Sool oo dhami ku lahaayeen deegaanka Hol Hol oo dhanka waqooyi kaga beegen Tukaraq, kulankan oo lagu waday inuu dhaco maanta. Sidoo kale waxaad ka akhisan doontaan hadii lagu soo noqdey Garoowe maxaa dhaci doona? ........... LA SOCO …………
Xigasho dunidaonline
Awrboogays.com