Xafladan oo uu ugu horayn uu furay Sheekh Maxamuud Xaliike ayaa waxa uu halkaasi kasoo jeediyay wacdi iyo aayadaha quraanka kariimka ah isagoo umadii halkaasi isugu timi ku booriyay inay wanaag isfaraan isagoo sidoo kalena xusay ardayda maanta ka qalin jabisay Jaamacada Nugaal University inay umadooda wax ugu qabtaan.
Gudoomiyaha gudida jaamacada C/rishiid Jaamac Biixi aya waxa uu halkaasi kasoo jeediyay inay hawl badan usoo mareen maantana dufcadii ugu horaysay ay ka qalin jabinayso Jaamacada Nugaal University isagoo xusay inay barteen kuliyado kala duwan sida maamulka iyo maaraynta iyo xisaabaadka iyo qaar kale Jaamacaduna sanadka danbe ku kordhin doonto beeraha,xoolaha iyo shareecada kuliyadahooda isagoo baaqna u diray qurba joogta inay dalkooda maal gashadaan.
Sidoo kale Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Sool Kayse Cawil Ladane ayaa waxa uu xusay in waxbarashada Gobolka ay sare u kacayso laakiin ay kala yar yihiin iskoolada iyo dadka wax baranaya oo kor u dhaafaya 40 kun oo qof Sidoo kale Cali Maxamed Saalax ayaa waxa uu u hadlay afka ganacsatada isagoo ah masuul ka socday Telesom xusayna inay nasiib badan yihiin dadka dalkooda wax ku bartay.
Madaxa Bisha Cas ee Gobolka Sool daakir Maxamed Warsame ayaa isaguna halkaasi kasoo jeediyay khudbad uu ku dhiiri gelinayo shacabka Gobolka iyo walba qurba joogta iyadoo sidoo kalena uu qurba joogta uy hadlay Coll: Axmed Caato oo xusay inay intaa shirar qabtaan laakiin aysan ilaa hadda maal gashan dalkooda ee ay maal gashadaan meelo kale.
Gudoomiyaha Jaamacada Burco C/raxmaan Jaamac Ducaale ayaa halkaasi hadalo kooban kasoo jeediyay isagoo ardaydii kula dardaarmay inaysan laascaanood oo kali ah wax u baran ee ay umada Islaamka oo dhan wax u barteen iyadoo sidoo kalena C/risaaq lafoole Gudoomiyaha Jaamacada uu halkaasi kasoo jeediyay khudbad ku saabsan Jaamacada uuna xusay in sanadkan ay 21 arday ay ka qalin jabisay laakiin sanadka danbe 10 kun oo arday ay rajaynayaan.
Ugu danbayntii ayaa waxa halkaasi hadalkii soo gabo gabeeyay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe Aw Daahir X, Xasan isagoo ardayda ka codsaday inay dalkooda wax ugu qabtaan loona baahan yahay in gacmaha la is qabsado nabad gelyada wax laga qabto iyadoo intaasi kadib halkaasi ardaydii mid mid shahaadadii uu u gudoonsiiyay Gudoomiyaha Degmada iyo Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University iyadoo halkaasi lagu bilaabay uruurinta lacag lagu dhiso jaamacada guri ay leedahay.





Awrboogays.com