Qaraxu wuxuu gaystay dhimasho iyo dhaawacba,hadaba waxaa la sheegay in walaxdan qaraxday markii hore la dhigay meel u dhow masaajid dabadeedna ay ciidamada sirdoonka gobolka ayka war heleen dabadeedna loo diray ciidanka booliska iyo kuwa milateriga ee aqoonta fog uleh walxahan qarxa.
Hasa yeeshee markii ay goobta walaxdu taalay tageen ayay soo qaadeen khuburadii ku xeeldheereed walxahaas,waxayna keeneen oo soo dhexdhigeen saldhigii booliiska dabadeedna walaxdii halkaas ayay ku qaraxday ,waxaa ayna gaysatay laba askari oo dhimasho ah iyo dhawr askari oo dhaawaca iyo burbur xoogan oo soo gaadhay gaadhigii ay wateen.
Hadaba waxaa ay iswaydiinayaan bulshada ku dhaqan mandaqada waxa ay khuburadu ula soo doonteen walxahan saldhiga gudihiisa.
Awrbogays.com