Wasiirka oo u waramay Idaacadda BBC-da ayaa yiri “Soomaalida waxaa Qabsatay Wixii Xunba Xaawaa leh, in Calan la dhaho waa Calan Al-Shabaab Niman kuray ah ay Babinayeen, in dhagax tuur uu dhacay, wixii la arkayna ee Jaraa’idka arkayeen ama TV lagu arkayay 80% soomaalil bay ahayd”.
Wuxuu intaa ku daray“Arintii Jimcadda Dhacday, waxay ahayd Arin Fool xun, oo ka bilaabatay 6 Qof sidaan war ku Qabno, lixdaas qof inkastoo Muslim yihiin ayna Soomaali ahayn”.
Soomaalida ayuu Sheegay inay tahay Qowmiyadda ugu Badan isla markaana Siyaasadda iyo Ganacsiga ugu Fiican“Wadanka Kenya 75% Soomaali weeyaan, waxa Maanta Siyaasi ahaan ama Beecsharo ahaan ka Dhaq-dhaqaaq Fiicana haddii loo fiiriyo Afrikaanka Kenya ee Muslimka ah wax iyaga Dhaama ma jiro”.
Mar la weydiiyay Shakhsiyan waxa uu kala socda Falalka hadda lagu Raafayo Shacabka Soomaalida ayuu yiri “Wasiirka Difaaca Shaqo kuma lahayn, Dhibkani Dhib Daakhili ah weeye, Wasiirka Saitoti Baa shaqo ku leh”.
Ugu Danbeyntii wuxuu sheegay inay Maanta Shir Yeesheen Madaxda Soomaalida ee laga soo Doortay Gobolka NFD ee ay Kenya Gumeysato“wixii kulmay waxay ahaayeen: Madaxda Soomaalida Waqooyiga laga soo doortay, Madaxda Masaajida waaweyn iyo Wadaadada, waxaana ka wada hadalnay sida ay arintani u dhacday iyo siday u Haboonayn in Arinta aysan sii fogaanin”.
Hadalkani ayaa imaanaya xili ay Ciidamada Kenya ay Qafaalayaan Shacabka Soomaalida ah ee ku sugan Kenya iyaga oo aan u kala saarayn inuu Haysto Sharci iyo in kale, waxayna Arintani si weyn u kicisay Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Meel ay joogaanba.
Awrboogays.com