Waxaa Jaaliyadda Naalaye Ahmed ee ku dhaqan wadanka UK lagu casumayaa inay ka soo qayb galaan shir muhiim ah kaasoo lagu qaban doono Magaalada London. Shirka waxaa ka soo qayb geli doona gudoomiyaha Kaafi Community Mr Ahmed Dirie Mohamed waxaana uu gudoomiyuhu shirka ka soo jeedin doonaa Khudbad(presentation) ku saabsan baahida keentay in la dhiso Kaafi Community, xeerar iyo qawaaniinta community_ga kala hagi doona, aragtida bulsho ee la doonayo in lagu hago guud ahaan jaaliyadaha SSC gaar ahaan Kaafi Community iyo weliba doorka looga baahan yahay jaaliyadda Naalaye Ahmed ee ku dhaqan adduunka dacaladiisa oo dhan.
Shirka iyo maclumaadkiisuna waa kan hoos ku qoran.
Taariikhda shirka: Sunday, July 25, 2010
Time: 15:00 – 20: 00
Cinwaanka Shirka: 32 Featherstone Road Southall, UB2 SAQ, London
Waxii faah faahin dheeraada kala xidhiidh.Oday Siciid Saalax Nuur oo ah abaabulaha shirkan 07535409018
Afhayeenka Kaafi community Ibraahin abtile 07960580485
Ka soo qayb gal wacan