Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
Wasiirka arimaha dibada ee maamul goboleedka SSC oo soo gaadhay magaalada nairobi

Wasiirka oo ka soo degay Gegida dayuuradaha ee caalmiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport ayaa waxaa halkaas kaga hortagay Boqolaal ka tirsan shacabweynaha SSC ee ku dhaqan dalkan Kenya.





Wasiirka oo ay soo dhaweyntiisa si weyn u qaban qaabiyeen gudidada Jaaliyada SSC ee Bartamaha iyo Bariga Afrika ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay gudida haweenka iyo Barbaarta gaashaaman ee SSC.



Wasiirka oo ka soo kicitimay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaas oo uu todobaadkii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay, ayaa warbixin koobaan oo uu siiyey Saxafada SSC wuxuu ku sheegay in uu la kulmay madax sar sare oo ka tirsan xukuumada dalka Ethiopia ayna isla soo qaadeen arimaha SSC si wanaagsan isugu afgarteen.



Mar aan weydiiyey bal cida uu ka xusi karo madaxdii uu la kulmay ayuu sheegay Pro: Mohamud Ali Jaamac in uu la kulmay mas'uuliyiin ay ka mid yihiin Generaal Gebtra Dilla oo ah ergeyga gaar ah ee arimaha Soomaaliya u qaabilsan dalkaasi Ethiopia iyo wasiiro kale.



Wasiirku markii uu soo degayba wuxuu booqasho ugu tegay Garaad Jamaac Garaad Ismaaciil, wuxuuna ku soo booqday Hotelka uu ka dagan yahay Nairobi garaadku.

Pro: Jaamac waxaa lagu wadaa inuu dhawaan halkan kulamo kala duduwan kula yeesho Madax ka tirsan beesha Caalamka iyo dalalka daneeya arimaah Soomaaliya.





Wuxuu sidoo kale ka qayb geli doonaa shir weyne maalinta Khamiista ah lagu qaban doono Nairobi kaasoo shacabka SSC ee jooga Kenya ka soo wada qayb geli doonaan hadii Alle idmo.



Sidoo kale waxaa ayana la sugaya madax kale oo ka tirsan Jaaliyadaha iyo aqoonayanada SSC kuwaas oo uu ka mid yahay Eng: Cali Xaaji Cigge oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda SSC ee Imaaraadka iyo kuwo kale.



Suleiman Xaashi dheere.

Xaashidheere1@yahoo.com