|
|
|
|
Shir aysoo qabanqaabiyeen ururka nsum ayaa ka dhacay shalay magaalada London |
|
|
ugu horeyn waxa halkaas aayado quraan ah iyo wacdi ka soo jeediyey sh axmed maxamed ka dib waxa halkaas hadalkii qaatay xasan axmed (qase) oo shirka daadihinayey kana tirsan ururka nsum ee uk ayaa warbixin kooban oo ku saabsan mugdiga dhexyaala hoganka iyo ururka nsum ka sheegay.iney xagooda ka socon weyday wada shaqeyntu.ururka nsum uu wax badan soo qabtay howlo badanina sugayaan.
waxa isna halkaas hadalo kooban ka soo jeediyey gudoomiyaha jaaliyada ssc ee london waxana hadaladiisi ka mid ahaa waa in ay hogaanka iyo ururku la yimaadan barnaamij dalka lagu xoreeyo oo taladu meel qudha uga soo baxdo. waxa isna hadalo ka soo jeediyey axmed geele xuseen oo ka tirsan nsum oo soo dhaweyey afhayeenka osman xasan sheegayna hadalka loo baahan yahay inuu ahaa 2 qodob oo kala ah (xoreynta iyo midnimada).
maxamuud caydiid oo katirsan nsum ee london ayaa warbixin ku saabsan dhulkii iyo waxa ay wax usocon waayen sheegay waxa hadala diisii ka mid ahaa waxa wadankii ka jira 3gole oo kala 1)salaadiinta 2) qusuusiga 3)hogaanka oo sadexdooduna aysan wada shaqeyn karin oo ay isku hayaan doorkii ay kala lahaayeen. waxa halkaas hadalo guubaabo ah ka soo jeediyey aadan garaad soofe oo sheegay in loo baahan yahay isku xidh iyo wada shaqeyn beesha dhexdeeda ah.iyo caaqil cabdirisaaq A omar camey oo isna sheegay inaan ururku nsum wax dhibaato ugeysan beesha ssc uuna qabtay loon abaahan yahay in laga shaqeeyo isku xidhkeena.
waxa ugu danbeyntii warbixin dheer ka soo jediyey madasha shirka Afhayeenka ururka Nsum mr.osman hasan oo sheegay siduu ku asaasmay ururkani markii ay dhacday in dhulkii la qabsaday ayaa waxa isu tegay dad qurba jooga oo aqoon yahay udhashay ssc inuu howshaas ukacaan. waxaan ku guulaysanay inaan caalamka u sheegno inan diidanahay in dhulka soomalida la kala gooyo oo waxa ay sheegan s/land ay tahay wax aan waxba ka jirin kana tirsaneyn maamulkoodu 3 gobol ee kala ah sool.sanaag. iyo cayn. doorashooyinkii la soo dhaafayna ayna ka dhcin waxa doorasho ah caalamka iyo goob joogayashuna ogyihiin.
shirkii nayroobi waxaan soo jeedinay in aan lagu qaban maadama beeshu kala maqan tahay waana la ka diiday waaxanu kula talinay in la qaato hogaan.waxaanu go.aan sanay inanaan mucaridin ee la shaqeyn si aysan dhib badan ugeysan waxanu soo jedinay in magacu noqdo hoorshuhu ahaa inuu xoreeyo dalkii iska daa waxa uu qabataye waxa uu dhaawac ugeystay qadiyadii ay beeshu laheyd oo aheyd(xoreyn/midnimo)
waxa kale u ka waramay afhayeenku shir uu soo qaban qabiyey ururka nsum oo ka dhici doona mareynkana( USA) 18/7/10 shirkaas oo labo weji kala ah 1) shir nsum iyo jaaliayda wada yeelaneyso oo lagu dheysanayo afkaartooda iyo sida ay uarkaan ururka si lo saxo khaladaadka jira 2) shir ay ka soo qayb gelayaan jaaliyada soomaaliyeed waxgaradkooda iyo aqoonyahan kooda oo lagu soo bandhigayo qadiyada ssc (hadii dhulkaasi maqan yihiin jirimayso midnimada soomaliyeed ) si ay somalida kale qayb uga qaataan. waxa shirkaas jaaliyada london uga qayb gelaya maxamuud caydiid.
waxa gebagebadii shirku ku dhamaaday weji aad uqurxoon
waxa soo diyaariyey hasan A ciise(Nsum ee london)
|
|
|