waxay in badan isku maaweeliyeen, war dadkan soomaaliyeed oo maamul ku sheegga SNM u taliyo waa ma dhacdo in garashadii ka wada guurtey e bal baxnaano ha loogu noqdo. Laakiin nasiib-darro waxa muuqata in tay falaanba tan kale ka daran tahay, duulaankii gardarada ahaa ee laascaanood iyo qaybo ka mid ah gobolka sool lagu qabsaday iyo wixii ka dambeeyey ee shacabka SSC lagula kacay ee aan maqaal hore ku soo bandhigay, dhacdooyinkii u dambeeyey ayaa hadheeyey. Waxaana hadda la gaadhey in tuulooyinka inta askar loo diro dadka waayeelka ah oo makhaayadaha iyo guryaha hortooda fadhiya rasaas la mariyo, dumarkana iyaga oo carruurtii dhabarka ku sida laga dhaqaalaysto xabbadda oo gaadiidka ciidanka la jiidhsiiyo (Balli-hadhac).
Haddiiba ay markaa jireen dad fara ku tiris ah oo aqoonyahan iyo waayeelba leh oo weli rajo ka qabey in miyir iyo maan dhigooda SNM u taliso wax ku sii hadheen, kuwasina waa ka raja dhigeen. Waxaa markaa lama huraan noqotay in la yiraahdo waxa ay rabaan waa colaad ikhtiyaarkooda ayayna ku doorteene yaanay ku ciilqabine ha lala gudhiyo hana loogu roonaado. Gabayganina waa u horseed.
ISU MAQAN
Waayadan maguugtii ma tirin maansadii gabay e
Miisaanka duul aan astayn yaa maroorsaday e
Anna meherad ii gooniyaan maamulkeed jiray e
Sida neef majiiraha rogaal sebeno moogaadey
Oo jare maroojiyo muquus maanka ka ilaawey
Isaguna mirood buu noqdaa muuda oo taga e
Goortuu mariikh(1) iyo xidkaha meere(2) badi dhaafay
Oo raage(3) mooskuu lahaa meerisyo u joogo
Oo raqo(4) mudaysanahayaan maamintiis galay e
Soomaali baan laga malayn samiyo meecaade
Iyadaa makhoor(5) lagu yaqaan moosin(6) galabeede
Inta maqashu daaqdaa kaskeed mayracdaa abide
Haddaan mayllin jarin waa dad aan samuhu maarayne
Ma mastuurto reerkaan dabkaa mooradiis gubine
Jeer dhereg waraabuhu malkhado maqalku oodnaaye
Mataada colkii weeraray ee mariyey liishaanka
Mufsadkiyo wagaashkii galbeed maalin laga keenay
Mus ku gawrac iyo waa halaag waxay mutaysteene
Iyagaan mahiigaan ku caran gaasna lagu meerin
Midhiqshaanlihii dhawr habeen murugtey laabtiiye
Waw maan la’aan nolol hadday mihindisaayeene
Mirta waxan dhufays ugu jiraa miil inaan wadho e
Kuwa marinka soo raaciyaan melegu deynayne
Maamuus xigaal iyo ka dheer muuno iyo hiile
Isu maqan bahdiis ruux miriyo madhax dambeedkiise
Isu maqan mas’uul baaqday iyo mood tolkii yiriye
Isu maqan mandada buuxsadiyo magac nin dhawraaye
Isu maqan manqada ooman iyo maaxda kii xadaye
Isu maqan maroorada barqiyo milic kaliileede
Isu maqan kufriga mooggan iyo maalin aakhiro e
Isu maqan magool soo bixiyo sahan maleeyaaye
Isu maqan maroodiga hugmiyo axad u muuqdaaye
isu maqan magliga xiirayiyo oofta uu mudiye
Isu maqan mandiil loo lisiyo mililka jiifaaye
Isu maqan makaab iyo waqtiga dhuuxa madhiyaaye
Isu maqan masaar iyo jirdaha loo maldahayaaye
Isu maqan waraabaha mirdhiyo maaxda uu cuniye
Isu maqan libaax meera iyo marin nin seexdaaye
Isu maqan mir neefkii bartiyo bahalka muudaaye
Isu maqan mulkiilaha cartiyo dhagar nin miistaaye
Isu maqan xaqlaha maaggan iyo kii mohoobiyey e
Isu maqan kuwii maalayiyo maahir kii dhacay e
Isu maqan af maajeenleh iyo melegga joogaaye
Isu maqan mardaadiga rag iyo mawdka sugayaaye
Isu maqan malloolliga xidhmiyo bilaha mawliide
Weligii miskiin baa cad xumi muunadiis yahay e
Ingriis markaad magansatoo maalka ula joogtey
Mayalkiyo awooddii ceshoo moosay baan ahay
Geel baa maqaarsaar ilmaha mooda kuu dhalaye
Xornimadan malluuggii hadhaad mala’awaalyasid
Malyan iyo badh baa igaga lumay maraqrogeediiye
Soomaali magaceed haddii meleg laguu saaray
Tiirkii midnimadaan ihiyo maaci aan jabine
Nina ima muquunshee anaa tay ku meel mara e
Murtad iyo kufaar baad waqiin doox la mirataane
Milladiina waxad siisataan kiish macuuna ahe
Iminkana milgow qaadateen miiska soo degiye
Mar haddaan dhankiin laga malayn eedda madhaxeeda
Waa ii mubaax dhood inaan madar ka sheegaaye
Maydkii sanduuqyada wataa moodhar gurayaaye
Maantaa colkaan maadin jirey mir u dhaqaaqeene
Murugiyo asay baw dambayn marantidiiniiye
La miryaada mudan baa togdheer weer ku mamayaaye
Dr. Abdullahi Hassan (Abdullahi Spanish)
Erey bixin:
1-Mariikh ama Farraarre= xidigta afka ingriisida “Mars” lagu yiraahdo.
2. Meerayaasha = afka ingriisiga “Planets”.
3. Raage ama Saxal = Afka ingriisiga “Saturn”
4. Raqo (Raqaha), waa xiddiga gu’, waa kuwa u horeeya oo dayuxu maro.
5. Makhoor: dhoofka gaadiidka badda markuu dabaysha ka hortaga
6. moosin: dabayl waqti ku socota oo ka dhacda badweynta hindiya iyo meelo kale oo Aasiya ka mid ah ( wuxu ereygu ka soo jeedaa kan af carabiga ee mawsim, af ingriisi monsoon) .
Awrboogays.com