weyn lahaa iyo sugaantii halyeey-C/Laahi Suldaan(Timacade) oo ka turjumeeysay halyeey dheeraa ee geesinimada lahaa ee Halyeeyadii naftoodu u hudhay xoriyadda buuxda Dalkoodu hantu sida cadna u diideey heeryadda gumeeysiga iyo dhaqan gumeedka,26-ka juun maalin qiimo weyn leh mudana xusid ku haboon oo farxadeeda leh.
Shaki kuma jiro in xoriyadu ku timi halgan iyo dadaal wadaniyadeed oo waqti dheer qaatay naf iyo maalba loo hudhay waxaana xusid mudan-Halgankii-Halyeeygii weynaa- Imaan Ahmed Guray-Halyeeygii weynaa Darwiish-Sayid Maxamed Cabdulle Xassan,Halyeeygii weynaa-Shiikh Bashiir,Halyeeygii Weynaa-Faarax Oomar,Halyeeygii weyn-Ismaaciil Mire,Halyeey- Caga-dhiig iyo boqolaal dhigooda ahaa marka laga hadlaayo halgankii xoriyadeed iyo dhanka Waqooyiga Somaaliya iyadoo halyeeyo dhigooda ahaana ka halgameen dhanka Koonfureed. Aan maalno hasheena - Koofil - Gumaysi iyo Gobonimo Marka taariikhda dib loo eego iyadoo caqli kaashi lagu saleeynaayo waxaa si cad kuu hor imaanaaya farxada weyn oo eey leedahay hanashada xoriyadeed iyo qiimaheeda,waana mid lagu hanto oo keliya halgan dhiig ku daato loona hudho naf iyo maalba,geesiyaal badan geel u galan,kuna masaafuris loo diray kuwo kalena intii mudo ah dhuumasho ku jireen,laakiin dhib kastoo oo lala kulay Allah mahadii 26-Jun gobanimo iyo guul weyn la hantay lana tuuray gumeeysigii iyo guud ahaanba heeryadii gun-nimadda,inkastoo eey ayaan darro tahay 50-sano kadib iyo halka eeynu taaganay,Qaran la'aan,dagaal joogto ah iyo kala yaacid Somaaliyeed arrin muragadeedda leh,khasaare weyn oo xanuunkiisa leh iyo arrin marna aanu qaadan karaan Wadaniga iyo qofka damiirka nool lihiba,waxan Raxmaanka ka tuugaayaa in wuu dhibka iyo Masiibadda weyn oo na heshay qaado nooguna bedelo nabadgelyo buuxdda,kheyr iyo qaranimo dhab ah Allah raali ka yahay Ummada Somaaliyeedna ku farxdo ku nastaan kuna ilaawaan rafaadka iyo dhibaatada xanuunkeed Aamiin yaa rabi. -Hambalyo 26-ka Jun. -Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- Awrboogays.com
|