Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
Dembiile goormuu noqdaa dhibane...........................?

Qoraalo hore waxaan ku yara xusay qaar dembiyadii ay kooxdii SNM ee cunsuriyiinta dembiilayaasha ah ahayd ka gashay xaqqa ummada Soomaaliyeed, si gaar ah qoraalkii iigu dambayay waxaan ku soo qaaday saddex dhacdo, oo ka mid ahaa dembiyadii iyo xadgudubyadii ummada la galay tan iyo markii ay jabhadihii qabiilka ku salaysnaa ee uu cadawga ummadan ee


 


 


 


 


 


 Ethiopia soo hubeeyay, oo u soo diray in ay dalkooda iyo dowladooda dhabarka ka wareemaan, saddexdaa dhacdo mid waxa lagu eedaynayaa in ay gaysteen ciidamadii dowladii dhexe ee Soomaaliyaa waqtigaas, labada kalena waxay ka mid ahaayeen xasuuqyadii faraha badnaa ee uu ururka SNM ee budhcada ahi ka gaystay dalka, waxaana dadka waydiiyay maalintaas kala duwanaansho aan dareemay oo u dhexaysa saddexda dhacdo, iyada oo ay dhacdada hore tahay mid


 


 


 


 


 


Aad warbaahinta ugu faaftay, oo caan ah, oo had iyo jeer lagu soo qaado, halka labada dhacdo ee dambe aanad haba yaraatee ku maqal oo lagu soo qaadin warbaahinta!!! Qoraalkaa ka dib waxaa ii yimid E-mailo aad u tira badan, kuwaas oo uu qof waliba ku cabiraayay, sida ay la tahay in ay u dhacday kala duwanaanshaha saddexda dhacdo iyo waxa sababayba, E-mail daa qaarkood waxay xambaarsanaayeen fikrado aad u la yaab badan, qaarkoodna waxaan ka helay macluumaad aad u


 


 


 


 


 


Fara badan, oo aanan runtii hore u ogayn, kuwaas oo qaarkood argagaxba I geliyeen, siyaabaha loola dhaqmi jiray maxaabiista ay SNM tu qabtaan iyo dhibaatooyinkii loo gaysan jiray, hase yeeshee waa arimo baadhitaano dheer u baahan, oo maaha wax halkan lagu qoraayo ilaa cadaymo dhamays iyo dheeli tiran loo helo, waxaa iyana jiray dad fikradahooda ay ka qabaan qoraalka kaga dhiibtay mareegaha qaarkood, waxaana ka xusi karaa mid aad iiga qoslisiiyay, misana aan ka


 


 


 


 


 


Murugooday, wuxuuna ahaa nin isaga oo aniga iga hadlaaya yidhi:"war nimanyohow, war dee ninkanu waa mid hada god madow ka soo baxay, bal eega wuxuu ka sheegaayo ururkii SNM ee xaqq u dirirka mujaahidiinta wadaniyiinta ahaa, dadkii wanaagsanaa, weligay maan arag cid waxaa ka sheegaysa", wuxuuna hadalkiisa xaga dambe kaga sii daray oo sheegay in aanu berigaas dagaalkoodu soconaayay aanu jirin isagu!!!wadaniyadaa dhacday markaynu ku sheegno koox


 


 


 


 


 


 Cunsuriyiin gacan ku dhiiglayaal dembiilayaal ah, oo wadankoodii khaayimay, ee intay cadawgii ummadooda u galeen lagu soo hubeeyay oo lagu soo hagay wadankoodii iyo shacabkoodii, si ay docda uga wareemaan dhabarkana uga jebiyaan, iyaga oo og in wadankoodu waqti aad u adag ku jiray, oo lagu hayay colaado is biirsaday oo dhinacya badan kaga imaanaayay, maxaynu ku sheegi doonaa wadanigii dhabta ahaa ee badbaadinta dalkiisa iyo difaaciisa ku hawlan!!! Markaynu se ku


 


 


 


 


 


 Sheegno gacan ku dhiigle dhex muquuranaaya dhiigii muslimiinta, oo uu gacmihiisa ka da'aayo dhiigii muslimiinta aan waxba galabsan, oo u adeegaaya gaalo iyo cadawga muslimiinta oo dhan, ee aan iska maydhin kaadida iyo wasakhdu in uu yahay mujaahid, maxaynu ku sheegi mujaahidkii runta ahaa ee u dagaalamaayay dar Allaah iyo oo keli in hadalka Allaah noqdo kan koreeya!!! Waxaan ninkan hadalkiisa u soo qaatay, waxaan ka dareemay in uu daacad yahay oo la khalday,


 


 


 


 


 


Badanaana inta sidiisaas oo kale loo khalday! waxaan dhab ahaantii aad uga tiiraanyooday dhalinta faraha badan ee sidiisaas oo kale loo marin habaabiyay, oo ay adkaanayso sida ay Soomaali isu fahmaan berito, waayo waxaa ummada loogu abuuray cuqdad iyo cadaawad, mana ay oga in kuwa waxan ka dhaadhiciyay ay iyagu yihiin kuwii eeshaba dhigay, ee uu ku adeegtay cadawgeenu dhamaan, una noqday dubihii uu ku burburiyay wadankeena qaaliga ah, ee aanu markaa ka hor soo


 


 


 


 


 


 Hawaysan jirin inuu ka soo dhowaado xuduudeheena bad, cir iyo dhul toona. Hadaba E-mailadaa iyo fikradahaa markaan ka saaro qaar badan oo mowduuca baal maray, waxaa ku jiray kuwa badan oo ka bixiyay jawaab sax ah su'aashaydii ahayd waxa keenay kala duwanaansha dhacdooyinkaa aan soo tilmaamnay, in kasta oo aanan anigu baahi sidaas ah u qabin jawaabta, waxayna dhamaan dadkaasu ku soo jawaabeen in ay kala duwanaanshaha keentay iyada oo ay kooxda SNM ee u


 


 


 


 


 


Dooda dhacdada hore, labada dambena iyagu ka dambayay, ay kaga horeeyaan Soomaalida inteeda kale xaga adeegsiga warbaahinta, taas oo u suura gelisay in ay aduunka ka dhaadhiciyaan waxyaaba badan oo been abuur ah, oo ay uga gol lahaayeen inay ku taageeraan qadiyadooda gooni isutaaga ah, kuna guulaysteen runtii in ay ku soo jiiteen caadifada urura badan oo aduunka ah, SNM iyaga oo adeegsanaaya warbaahinta caalamiga ah, waxay ku guulaysteen in ay aduunka ugu sawiraan


 


 


 


 


 


dowladii dhexe ee Soomaaliya rajiim sharwade ah oo gacan ku dhiigle ah, oo sabab la'aan isaga xasuuqaaya shacabkiisa, oo horumar u diiday dalka, bal taas waxay ku guulaysteen in ay ka dhaadhiciyaan shacabkii Soomaaliyeed ee iyagu dowlada ku hoos noolaa, oo ay taas kaga heleen  taageero aad u balaadhan, ugu dambayntiina in badani raacday jidkoodii oo cadawgii ummada isu dhiibeen, laguna soo hagay sidii SNM ta dalkoodii, ayna ina dhaxal siiyeen taynu maanta ilaa


 


 


 


 


 


 Labaatankii sano ee ina dhaafay aynu ku suganahay, SNM iyaga oo adeegsanaaya warbaahinta waxay ku guulaysteen in ay aduunka isugu muujiyaan dhibanayaal, iyaga oo dhab ahaantii ah dembiilayaal, marka goorma ayuu dembiile noqdaa dhibane?!!! Waa marka uu si xirfadaysan u adeegsado warbaahinta! Warbaahintu iyadaa dembiile ka dhigi karta dhibane, dhibanena ka dhigi karta dembiile, bal eega hada kooxda casaabada ah, ee ay SNM u soo dhiibtay dacwada shirqoolka


 


 


 


 


 


 Ah ee lagu soo oogay S/guud Maxamed Cali Samatar, waxaa hor kacaaya oo dacwada dabada ka riixaaya ururo u dooda xuquuqda dadka, laakiin se ururadaasu kama warqabaan in ay dacwadanu tahay shirqool ay soo abaabuleen koox dembiilayaal ahi, waxa Gen. lagu haystaana ay tahay oo keli ah xisaab sifayn iyo in dhulka lala dhaco wax kasta oo qaranimadii Soomaaliyeed laga uriyo, waayo waxaan jirin cid kale oo ka dhaadhicisa ururadaa xaqiiqada dacwadatan iyo xaqiiqada kooxda


 


 


 


 


 


Dembiilayaasha ah ee soo abaabushay, bal taa iska daayoo Soomaalida inteeda kale siiba inta ay sida gaarka ah u khusayso, waxay ku guul daraysteen in ay beesha caalamka, haya'adaha iyo ururada u dooda xuquuqda dadka, in ay gaadhsiiyaan oo ka dhaadhiciyaan xadgudubyadii Soomaaliya ka dhacay gaar ahaan xasuuqyadii tirada badnaa ee SNM u gaystay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada woqooyi.


 


 


 


 


 


Dhacdooyinkii xasuuqa ahaa ee Bancade iyo Ceerigaabo


 


 


 


 


 


Hore waxaan u soo tilmaamay labadii dhacdo ee Bancade iyo Ceerigaabo, ee ay SNM ku xasuuqday dad shacab ah oo maxaabiis u ahaa, waxana barbar dhigay dhacdadii jaziira oo aanan anigu runtii aad xog ogaal ugu ahayn maqal mooyee, hase yeeshee sida aan warbaahinta ugu arkay labada dhacdo ee hore aad bay uga xanuun iyo argagax badan yihiin dhacdada jaziira, hase yeeshee kumaan soo qaadin qoraalkayga arimo badan oo la xidhiidha qaabkii loo fuliyay labadaa dhacdo ee


 


 


 


 


 


Xasuuqa ahaa iyo kuwa badan oo la mid ah, sidaan iyana qoraalo hore ku sheegay kana soo horjeeda waxyaabaha ay ku andacoodaan kooxda SNM, waxa uu dagaalkoodu ku jihaysnaa 85% dad shacab ah oo ay isir ahaan ula dagaalamayeen, waxay dad shacab ah ku xasuuqeen magaalada Xudun, Damalaxagare, Xingalool, Carmaale iyo Hadaaftimo, dhulkaa aan soo tiriyay may ahayn dhul ay joogaan ciidama dowladeed xataa malaha saldhigya booliis, waa dhul nabdoonaa oo shacab


 


 


 


 


 


 Aan cidna dembi ka gelini ku noolaayeen, tan kale dadkaa shacabka ah ee ay dagaalada ku qaadayeen kooxda SNM, iyana in kasta oo aanay lahayn urur iyo ciidan habaysan oo hubaysan, xaga hubka iyo dhaqaalahna aanay kala mid ahayn, iyada oo ay kooxda SNM taageero ka helaysay dowlada shisheeye ah oo dalkeena cadaw ku ah sidaan soo xusnay, hadana beelahaasu way iska difaacayeen wararadii ay kooxda SNM ku soo qaadaysay, markaa anigu ka hadli maayo gobo


 


 


 


 


 


 Dagaal oo si fool ka fool ah laysaga hor yimid iyo cidii ku dhimatay dhinac kasta ha noqdeen ee, ee waxaan ka hadlayaa waa maxaabiis la gumaaday iyo gobo nabad ah oo inta la weeraray lagu xasuuqay shacabkii joogay ee aan waxba galabsan, wax dagaal ahna aanu ku jirin,tan kale kama aan hadlin waxyaabihii ka dhacay galbeedka Sool, gobolka Cayn iyo gobolka Awdal, waayo cadaymahooda baa igu yar, waxa  se waxaas oo dhan isku fuuq fuuqsanaya waa xasuuqyadii


 


 


 


 


 


 Waawaynaa ee ka dhacay woqooyi galbeed iyo Togdheer, ee ay kooxda SNM ku xasuuqday kumanaanka kun oo qaxooti, shacab, shaqaala dowladeed iyo ciidamadii dowlada ee halkaa ku go'doomay ahaa, taas waxay dhacday markii ay dowladii dhexe dhacday ee uu Cumar Carteh Qaalib, oo uu madaxwaynihii dowladii dhexe ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare u magcaabay ra'iisal wasaare, markii ay dowladii dhexe dhacdayna, uu Cali Mahadi Maxamed oo ku dhawaaqay


 


 


 


 


 


In uu xukunkii qabsaday, uu isla isagii u magcaabay ra'iisal wasaare waa Cumar Carteh ee, uu ku amray ciidamadii qaranka in ay isu dhiibaan jabhadihii qabiilka ku salaysnaa ee qaska, xaasuuqa iyo dagaalka sokeeye wadanka ka waday, taas oo keentay in ay ciidamadii xooga dalku kala dareeraan, sababtayna in jabhadihii wadanka ku soo duulay, ee cadawgu soo hubeeyay dabadana ka riixaayay ay xasuuq balaadhan, oo aan loo aabayeelin kula kacaan shacabkii Soomaaliyeed


 


 


 


 


 


Woqooyi iyo Koonfurba. Markaa jabhadihii cunsuriyiinta gacan ku dhiiglayaasha ahaa ka sokow, waxaa maasuuliyada kowaad ee xasuuqaa shacabka loo gaystay dusha ku qaadaaya ayna tahay in maxkamad lagu soo taago Cumar Carteh Qaalib, waayo wuxuu ku gargaaray oo u fududayay jabhadahaa, in ay gaystaan xaasuuqaa bahalnimada ah ee sidaas u balaadhan, isaga iyo xukuumad ku sheegiisii waqtigaa, waxaa kaloo jiray masuuliin badan oo wadanka ku sugnaa waqtigaas


 


 


 


 


 


oo waxna ka qaban karaayay musiibadan shacabka ku habsatay, ilaa maantana dedaal ugu jira oo u heelan in ay wadanka wax ka noqdaan, qaarkoodna ayba masuuliyado ka soo qabteen wadanka intii gumaadyadaa ka dambaysay ama hadaba ka hayaan, oo aan xataa cambaarayn xasuuqyadii dhacay waqtigaas haba yaraatee, wuxuu kaloo keenay amarkii Cumar Carteh in ilaa maanta Soomaaliya kala dambayn iyo nabad lagu soo dabaali kari la' yahay.


 


 


 


 


 


Beesha Isaaq oo jebisay heshiiskii Beelaha ee Burco 1991!


 


 


 


 


 


Waxaa mareegta afnugaal.com ku soo baxay 10kii bishan qoraal tafatir ah oo ay ku cadayeen in beesha Isaaq jebisay heshiiskii ay beeluhu ku gaadheen magaalad Burco 1991kii, laguna sii xoojiyay heshiisya dambe oo ka dhacay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Boorame, kuwaas oo lagu heshiiyay in layska ilaabo dembiyadii hore u dhacay oo aan laysu qabsan, taas waxay dhacday markii ay dad beesha ka soo jeedaa dacwad ku soo oogeen S/Guud Maxamed Cali Samatar


 


 


 


 


 


Madaxwayna ku xigeenkii kowaad ee dowladii kacaanka Soomaaliyeed, oo ka soo jeeda mid ka mid ah Beelihii  heshiiska ku kala saxeexday Burco! In kasta oo ay aniga laba ii kala yihiin Beesha Isaaq iyo kooxda SNM sidaan qoraalo hore ku cadayay, oo aanan marna dusha ka saarayn beesha, waxa ay geesteen kooxda SNM, ayna yihiin beel ummada Soomaaliyeed qaderin iyo miisaan culus ku dhex leh, hadana runtii hadalkan aad baan ugu raacsanahay afnugaal.com, waayo in kasta oo ay


 


 


 


 


 


Kooxda SNM dacwadan shirqoolka ah soo maleegtay, hadana waxaan la hayn aniga ogaalkay cid beesha ka soo jeeda oo ilaa hada cambaaraysay dacwadan shirqoolka qorshaysan ah, gaar ahaan aqoonyahanka, siyaasiyiinta, isimada, culimada, odayada, abwaaniinta iyo guud ahaan waxgaradka beesha kama aanan maqlin cid cambaaraynaysa dacwadaa shirqoolka ah, ee lagula kacay muwaadin hogaamiye ah oo maqaam iyo miisaan culus ku dhex leh ummada, ahna astaamaha aadka u yar ee


 


 


 


 


 


Ka sii muuqda qaranimadii Soomaaliyeed, maadaama dadka dacwadan wataa ay yihiin kuwa ka soo jeeda beeshooda! Ayna dacwadanu xadgudub iyo jebin ku tahay heshiisyo ay hore ula saxeexdeen beelaha kale ee Soomaaliyeed, SNM se iyagu weligoodba ma dhowrin wax heshiis ah oo ay beeluhu gaadheen, bal had iyo jeer waxay ku talaabsanayeen waxyaabo badan oo jebinaaya heshiisyadii beelaha walaalah ah af iyo adinba, manaba ay aqoonsana heshiisyadaa, bal waxay u


 


 


 


 


 


Aqoonsan yihiin beelaha dega inta ay ka calaamadsadeen dhulka Soomaaliyeed, ee ay ku andacoonayaan in uu yahay xuduudkii Ingriiska!!! Siduu Ingriiskii isagu dadka dhul uu lahaa ku beeray, iyaguna ay yihiin kuwa Ingriiska dhulka ka dhaxlay!!! Waxay u aqoonsan yihiin shacabka dhulkaa degaa in ay yihiin dembiilayaal ay cafiyeen! Taas oo aan in badan ka maqalo kooxdaa xubnaheeda madax iyo mid hooseba, si kasta ha ahaatee sidaan qabo waxa ah hada, ciyi waa ka


 


 


 


 


 


 Beryay, in la dalbado in la joojiyo dacwadan shirqoolka ah ee Gen. lagu soo oogay, waayo mar hadii ay hada arintu halkaa gaadhay waxa u wanaagsan Gen. ka iyo ummada Soomaaliyeed ba, in ay kooxdan casaabada ahi, ku soo cadayaan dacwadaha ay u haystaan, haday ku fashilmaana oo ah taan ku kalsoonahay, waa in iyaga lagu soo oogaa dacwad sharaf celin ah. S/Guud Maxamed Cali Samatarna waa halyay waxbana u noqon maayo oo u dhimayso dacwada ay ku soo oogaan koox yar


 


 


 


 


 


Oo casaabad ah, oo ay madax martay caadifad qabiil, dhamaana ummada Soomaaliyeed inta leh damiirka nool ee caafimaadka qaba baa barbar taagan, wuxuuna baaqi ku noqonayaa baal dahab ahna kaga jiraa taariikhda ummada Soomaaliyeed, arintanuna waxay albaabada u furtay, in dhamaan dadkii dembiyada dagaal iyo xasuuqyada ka gaystay wadanka guud ahaan, lagu soo wada oogo dacwado, dhamaan xadgudubyadaa, dembiyadaa dagaal iyo xasuuqyadaa aan soo tilmaamay


 


 


 


 


 


 Iyo wax badan oo aanan tilmaaminba, dadkii ka dambayay si xor ah bay dunida u mushaaxayaan, masuuliyado bay ka hayaan meelo badan, qaar weli dhibtii iyo hagardamayntii shacabka bay weli gacmaha kula jiraan, bal ilaa maantadaa aan joogono baa dembiyadii dagaal laga gelayaa shacabka, waxaan dhowaan ku aragnay warbaahinta qaarkeed, in markii ay ciidamada Xabashida iyo maleeshiyada SNM oo sidii caadada u ahayd, is garabsanayaa ay dagaalka laba geesoodka ah ku


 


 


 


 


 


 Soo qaadeen gobolka Cayn, waxa la sheegay in dad shacab ah Beebee dusha laga mariyay tuulada Balihadhac, lana bililiqaystay oo hantidoodii la boobay shacabka ku dhaqan magaalada Widhwidh, dabcan maan cadayn karo tan hore, ee waa sidaan warbaahinta qaarkeed ku arkay, tan dambe se waa wax aan aad u rumaysanaayo aana filaayay dhicina doonta, waayo maleeshiyada SNM waxay ka kooban tahay waa jiri, dayday iyo wixii ilaahay nacay oo dhan, oo inta meel laysugu ururiyay


 


 


 


 


 


Lagu tilmaamay ciidan qaran, markaas taasu waa u caado, oo waxay ka gaystaan meeshii ay galaanba, hadaba bal in ina wadanku inoo xasilo oo nabad iyo kala dambayn lagu soo dabaalo, waxaa waajib ah in dembiilayaasha dacwado lagu soo oogo, dembiilayaashaa oo meela badan oo wadankeena iyo debedaba ku filiqsan, waxaa se badankoodii caloosha ugu jiraan maamulka SNM iyo DKMS, labadaana waxa gacanta ku haya oo naax naaxshay beesha caalamka.


 


 


 


 


 


Dagaalkii gobolka Cayn ee laba geesoodka ahaa


 


 


 


 


 


Waxaan ugu horayn haba soo daahdee tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii iyo dhamaan shacabka gobolka cayn dadkii kaga geeriyooday dagaalkii xaqdarada iyo bahalnimada ahaa, ee ay ku soo qaadeen cadawga Xabashida iyo kuwii ay weligoodba ku adeegan jireen ee ku soo hugaamin jireen dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, ee budhcada SNM, in Allaah sabir iyo iimaan ka siiyo iyagana naxariistii jano ugu bishaarayo, in kasta oo uu dagaalkaas ay dad badani ku naf waayeen hadana


 


 


 


 


 


Wuxuu ahaa guul u soo hoyatay gobolka cayn, si gaar dagaalkii Buuhoodle ay shacabku kula galeen ciidama cadawga Xabashida, waxaan u arkaa in uu ahaa talaabo sax ah oo geesinima ah, oo ay aad ugu baahnaayeen dadka mandaqadu iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ku hambalyaynayaa dhamaan dhalintii u dhabar adaygtay dagaalkaa, ee ciidamada cadawga jabka iyo halaaga gaadhsiiyay. Reer buuhoodle way guulaysteen waxayna aduunka tuseen wejiga foosha


 


 


 


 


 


 Xun ee cadawga Xabashida, waxay u muujiyeen aduunka sida foosha xun ee ay Xabashidu ugula jirto faraha Soomaaliya oo dhan, iyagoo awel marmarsiinyo uga dhigan jiray aduunka waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed, inay iska celinaayaan ururo islaam ah oo xagjir ah, ayay reer Buuhoodle tuseen aduunka wejiga dhabta ah ee cadawga Xabashida, in ay xataa beelihii Soomaaliyeed ku dhex jiraan oo u kala hiilinayaan, dagaalkan oo ay u arkeen kooxihii dabaqoodhiga u ahaa Xabashida


 


 


 


 


 


Fursad ay ku duri karaan kooxa kale oo iyaga ka soo horjeeda, ayay ugu horayntiiba tacsi tiiraanyo leh u direen seyidkoodii Xabashiga ahaa, oo ay ka tacsiyadaynayaan askartiisii xun xunmayd ee injirta lahayd ee dagaalka kaga baqbaqtiday, qaar baa I odhan doona Soomaali bay ahaayeen, may ahayn Soomaali ee qudhun dubka nooga eg bay ahaayeen, waxay ahaayeen kilaab loo soo rabaystay wax yeelaynta ummada Soomaaliyeed, tan labaadna waxay ku baraarujiyeen Seyidkoodii in ay


 


 


 


 


 


 Kooxdaasu ka dambaysay dagaalka, ayna tahay in ay cadaadiska iyo dagaalka ku sii hayaan reer Buuhoodle ilaa inta ay iska saarayaan kooxdaas, mase ay dareemin dabaqoodhigaasu dhirbaaxada ciidan iyo siyaasadeed ee uu seyidkoodii arxan laawaha ahaa kala kulmay reer Buuhoodle, hadaba waxaa is waydiin mudan maxaa sababay dagaalka Buuhoodle? Yaa se ka dambayay dagaalkaas?! Mujrimiintu cid kasta oo ay ku eedayaan ama dusha ka saaraan iyo cid kasta oo iska fogaysaba,


 


 


 


 


 


Dagaalkii Buuhoodle wuxuu ahaa qarax ka dhashay kacdoon shacab la cadaadiyay, wuxuu ahaa qarax kacdoon shacab oo ay sababtay siyaasad xumida nidaamka Xabashida, waxaynu si fiican ula soconaa in ay Xabashidu ka dambaysay oo qorshaysay heshiiskii labada maamul kula kala wareegeen gacan ku haynta magaalada Laascaanood ee xaq darada ahaa, ilaa la kala wareegistii Laascaanood wixii ka dambayay, nidaamka Xabashidu isaga oo ilaalinayaa heshiiskaa ay iyaga iyo


 


 


 


 


 


Labada maamul wada gaadheen DKMSna ee waqtigaasuna ay wax badan ka ogayd, hase yeeshee shacabkii dhulka lahaa aanu waxba ka ogayn, ayay Xabashidu mar kasta oo ay dareemaan in Buuhoodle ay ka jiraan xoogaa dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan Laascaanood, ayay waxay soo dhoobaan magaalada Buuhoodle ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo inta ay xadka ka soo gudbaan urursada hanti shacabka deegaanka una caga juglaya, taas ayuu ugu dambayntii ka dhashay qaraxan


 


 


 


 


 


 Ah kacdoonka shacabka ay cadaadisay oo cabudhisay dowlada Xabashida ee faashiista ahi, taas oo ay ahayd in ay xaq dhowrto xuduudka dowliga ah iyo derisnimada, hase yeeshee reer Buuhoodle dhab ahaantii waxay Xabashida u dhigeen deris lama ilaabaan ah, waana ku hambalyaynayaa talaabadaa geesinimada ah, Soomaalida kalena waxaan leeyahay ku dayda reer Buuhoodle oo ha u biqina Xabashidan dhulkeenii siday doonayso ka yeelaysa ee ha layska celiyo, Allaah ha u wada


 


 


 


 


 


 Naxariisto intii gobolka Cayn lagu laayay iyo dhamaan Soomaalida maalin kasta xaq darada loo xasuuqaayo iyo dhamaan muslimiinta ee, dadkii dagaalkaa ku dhintay waxaa dhamaaday ajalkoodii oo marlayba way dhiman lahaayeen, ee yaan loo baqan cadawga Xabashida. Laakiin in kasta oo ay reer Buuhoodle guul u soo hooyeen ummada, hadana arinta weli waxbaa ka dhiman oo guushii ma dhamays tirna!!! Waayo Xabashidii waxay la tagtay oo weli ku maqan dhamaan hantidii ay markii


Hore shacabka ka qaaday, marka maxaa si ah oo arinta ka dhiman?!! Waxa kadhimani waa isla tii aan hore u soo sheegay, waa doorkii warbaahinta ee kuaadanaa dhacdadan iyo doorkii qurbajoogtii qaylada badanayd ee laga fadhiyi waayay!!!, ee iyagu gayn lahaa oo ogaysiin lahaa maxfalada dowliga ah dhacdadan, Xabashidana jid walba isu taagi lahaa oo ku ceebayn lahaa.


 


Talo iyo gunaanad


Waxan ku soo gunaanadayaa qoraalkan talo ku wajahan qurbajoogta qaylada badan, ee inta ay naftoodii iyo caruurtoodii gaysteen meelo nabad ah oo leh horumar dhinac kasta ah, halkii ay ka gargaari lahayeen shacabkii wadanka joogay, ee aan iyagu helin fursadaha ay heleen oo kale, bal halganka ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen quutul daruuriga maalintaa, ay halkaa buuqa colaadaha xambaarsan waqti hore laga soo doogay kaga soo afuufaayaan shacabka, oo qayladoodii hadh iyo


 Habeen laga joogi waayay, ayaan waxan leeyahay dadka wadanka joogaa waxaad u sheegaysaan waa og yahay oo ma moogana, nin tuur lihina isaga ayaa kaa yaqaan siduu u seexdo, dadkanu way garanayaan siday arimohooda xal ugu raadiyaan, waxaana ka go'an in si nabad ah arimohooda ku dhamaystaan, wax dhib iyo colaad ah oo dambena aanay dhex marin beelaha Soomaaliyeed ee walaalahood ah, ee ay deriska iyo dan wadaagta yihiin, dagaalna uu noqdo Allaah kama dhigee


 


 


 


 Waxa ugu dambeeya ee lagu tala qaato, taas macnaheedu maaha in aan loo diyaar garoobayn dhinac xun hadii ay timaado oo laga fursan waayo, bal waa waajib ay tahay in aan dhamaan iska kaashanaa, marka aniga oo u jeeda in aad doorkiinii gabteen bal aad dhibaatooyin iyo kala qaybsanaan iyo xagjirnimo uun ku soo kordhiseen shacabkii taageeradiina aadka ugu baahnaa, hadana waxaan idinku boorinayaa inaad dib si miyir qaba ah oo idinka oo iska dhaafaya


 


 


 


Caadifadaha aan xaqiiqooyinka ku salaysnayn, aad ka qayb qaada taan hanaanka nabada ee ay maanta ugu baahi badan tahay ummada Soomaaliyeed, inaad door muuqda ka qaadataan dhaqaala u samaynta dadka dan yarta ah iyo barakacayaasha, inaad ummada wax kala qabataan xaga waxbarashada, caafimaadka, daryeelka deegaanka iwm, inaad ka qayb qaadataan isfahamsiinta beesha dhexdeeda iyo beelaha la deriska ah iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed, waa inaad


 


Ummada qadiyadiheeda aayaha ah aduunka gaadhsiisaan, gaar ahaan inta dulman, waa inaad doontaan xaqii shacabkii wadanka lagu dhibaatayay ee lagu xasuuqay oo aad mujrimiintii ka dambaysay dacwado ku soo oogtaan, oo aad dhex gashaan haya'adaha iyo ururada xuquuqda dadka u dooda, oo aad fahamsiisaan xaqiiqooyinka wadanka ka dhacay sanadihii badnaa ee aynu soo dhaafnay, kana hor tagtaan been abuurada ay fidiyeen kooxaha sharwadayaalka ah, ee ah kuwa


 


 


 


Iyagu ku eedaysan wixii hoog iyo halaag wadanka ka dhacay ee iyagu gaystay, ee dembiilayaasha dhabta ah, sida kooxdaa budhcada ah ee SNM iwm, mana aha macnahaygu in aad idina been abuura kale samaysaan oo kula tartantaan, maya maya, bal waa inaad hor gaysaan dhacdooyinka aan kor ku soo tilmaamay iwm, ee cadaynaha loo hayo. Waana in wax walba magaciisa loogu yeedhaa tusaale ahaan waxan in badan warbaahinta ku maqlaa ama ku arkaa dad ku tilmaamaya Daahir Riyaale


 


 


 Kaahin in uu gaystay xasuuqyo!! Horta shaki kuma jiro in uu dembiya badan gaystay, sida in uu dhul nabdoon dagaalo ka riday, in uu ummad badan barakiciyay iwm oo aan ahayn dembiya fudud, laakiin se anigu ma maqal mana ogi meel uu ilaa hada xasuuq ka gaystay, markaa dembi walba waa in magaciisa loogu yeedhaa. Allaah waxaan ka baryayaa in uu wadanka nabad iyo xasilooni inoogu soo dabaal sharka iyo dulmigana inaga badbaadiyo, oo uu inaga qabto waxan baas ee wada dabaqoodhiga u ah Xabashida ee dadkii iyo dalkiiba halaajiyay ama kooxo ha ahaadeen ama maamulo ama dowladba ha sheegteen ee.


 


 


 


Wabillaah atowfiiq


Ciise Maxamuud Aadam


 


almutawaadic@yahoo.com