Dagaalkan ayaa qaraxay markii Ciidamo taabacsan Xarrkatul Shabaab ay weerar lama filaan ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Dowladdu ku leeyihiin degmadaas, waxaana dagaalku uu socday muddo saddex saac ka badan.
"Saakay markaan salaadda tukannay ayaa waxaa bilowday dagaal culus, kaasoo dhamaaday 8:00-aroornimo ee saakay, waxaan arkay maydadka ugu yaraan 12-qof oo dagaalka ku dhintay" ayuu yiri goobooge aan ismgacaabin oo ku sugan xaafadda Kaxda oo uu dagaalku xooggiisa ka dhacay.
Goobjoogayaal kale ayaa sheegay inay arkeen gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo qaadaya dhaawacyadii ka dhashay dagaalka, iyadoo afar qof oo rayid ah intii uu dagaalku socday la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.
Saldhigyada ciidamada AMISOM ay Muqdisho ku leeyihiin qaarkood ayaa waxaa laga tuurayay madaafiic culus oo ku dhacayay deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen, kuwaasoo qaarkood ku dhacay deegaanka Garasbaalley oo dagaalka ka fogaa.
Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaan si dulmar ah uga hadlay dagaalka, iyagoo aan sheegin khasaaraha labadooda kala gaaray, waxaase wararka laga helayo ay sheegayaan in dagaalka ay ku dhaawacmeen 25-qof oo isugu jira rayid iyo ciidamadii dagaalamay.
Xaafadaha uu dagaalka ka dhacay oo kala ahaa Xoosh iyo Kaxda ayaa wuxuu noqonayaa dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhaca degmadaas bilahan, waxaana dagaalku uu ahaa mid qorsheysan mana jiraan wax horumar ah oo laga gaaray.
Awrboogays.com