Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
  Audio     News  
Waraysiyo
Garaad Abdillahi M Guleed oo ka hadalay
soo noqoshada isimada ssc Tukoraq
Garaad c/laahi Maxamed guuleed oo waraysi dhinacyo badan taabanaya bixiyay    15 Feb 2010
Waraysi Garaad C/lahi M.Guled    01 Jun 2009
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links
Afnugaal
Aflax
Agabso.com
Allpuntland.com
AllSomali.com
Allwadani
Altaqwaa.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Boocame.com
calanka.com
Dayniile
Dhahar.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Halgan.net
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Jamhuuriya
Laasqoray.net
Midnimo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Onkod.net
Puntlandonline
Puntlandpost.com
Qandala.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Sanaagpost.com
Somali Press Review
Somalia Online
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Sscayn.com
Ufurow.com
Waayaha.net
WardheerNews
Widhwidh.com
Xargaga.com
 
Danta SSC Shir Telefoon, Gaadhi Landcruiser ah iyo Sawirrada Internetka way ka wayn tahay
Waxa kaloo lagama maarmaan ah in qofka hoggaankaa u,ihi ummadda inuu la socdo hadba waqtiga ama wacyiga lagu nool yahay waqtigaa lajoogo, iyo inuu awood uleeyahay inuu si miisaaman uga fekeri karo talada loo baahan yahay hadday xaalad qallafsani soo wajahdo umaddaa, ama uu ukala dooran karo laba talo oo qallafsan hadba ta udhibka yar.
Haddaba waxa sida dad badani la socdaan muddooyinkan danbe ka taagnaa gobollada SSC xasilooni darro iyo dagaallo dadna ku nafwaayeen kuwona ku dhaawacmeen kuwo kalena ku baro kaceen. Haddaba dagaalladani dad badan ayaa ku jaah wareersan sida ay udhaceen iyo sababaha hadda keenay in dagaal ka qarxo Gobolka Cayn xilli loo fadhiyay dagaalka ugu horreeya ee carro Dhulbahante inuu ka dhici doono aagga Laascaanood iyo sidii looga soo celin lahaa gacanta hadda haysata ee Goonni goosatada Soomaali diidka ah ee looga arrimiyo magaalada Hargaysa.
Haddaan dib ujalleecno saddex sano ka hor Laascaanood waxaa gacanta ku hayey Maamulka Puntland waxaana maamulkaa lagu dhalliilsanaa/saluugsanaa wax qabad la’aanta iyo xaq soor la’aanta gobollada Puntland waxayna ahayd arrin dhab ah laakiinse maamulka looma arkayn cadow dhul iyo dad toonna duulllaan ku ah. Waxa waqtigaa magaalada Laascaanood lagu caleemo saaray Garaad Jaamac Garaad Cali oo saldanadda Bahararsame looga dhigay Garaad. Si sharaf leh ayaa loosoo cammiray madashii caleemosaarka Garaadka. Khudbaddii Garaadka waxa ka mid ahayd isagoon la tashan Garaaddadii iyo Madaxdhaqameedkii kale ee SSC inuu yidhaahdo waxaan shirlaysugu keeno Madaxdhaqameedka Soomaaliyeed ku qabanayaa Laascaanood! ogoobeey weli lamuu kulmin Madaxdhaqameedkii kale ee reer SSC talo laysuguma imaan! Garaad Jaamac sidoo kale lamuu kulmin siyaaasiyiintii reerka iyo wax garadkii si,uu u ogaado bal cawaaqibka iyo suurto gal ahaanta uu shirkaasi ku keeni karo reerka uu ka mid yahay Madaxdhaqameedkiisa.

Tan kale sidee buu maamulka Somaliland u’arki karaa Laascaanoodoo ay aaminsanyihiin inay ka dhaxleen saancaddihii Ingiriis in Soomaaliyi isugu timaaddo oo iyaga lagula dagaallamo, marhaddii Midnimo Soomaaliyeed laga hadlo illeyn waa dagaal xagga Goonnigoosatada Soomaalidiidkee. Waxaa weliba inta wehelisa in waqtigaa Maamulkii fadhiidka ahaa ee Puntland uu Cabdullaahi Yuusuf furfurtay oo ciidankii aanu farahaba ugu jirin. Garaad Jaamacse ninna uma joojinine dibedduukusoo noqday si uu ugu wacyi geliyo qurbo joogta in ay dhaqaale u’ururiyaan si shirkaasi uhirgalo. Waxa la yaab leh shirarkii qurbo joogta kuwa aan goobjoog ka ahaa waxa waqtigaa Garaad Jaamac ka sheegay inuu doonayo in loo baahanyahay in la abuuro ciidan suga amniga SSC oo ka madax bannaan kan Puntland! weliba tirada ciidammada wuu ciyimayey markaa wuxuu lahaa 200 oo wiil baynu ubahannahay, waqtigaaLaascaanood lama qabsan! dad baa waxay lahaayeen oo Garaad sidaynu ka yeelaaynaa maamulka Puntland illayn ka mid baynu nahaye dee noo sheeg oo nagu dheh aynu iska saarno Puntland oo aynu Jabhad noqonno! taas waa wax laga wada hadli karo inaynu ka baxno iyo inkale’e labadabana xaq baynu uleenahaye!
Shaki kuma jiro in waqtigaa in tabasho badani jirtay xagga maamulka Puntland,laakiin waxaa la fialayey Garaad Jaamac inuu la yimaaddo wax ka duwan wixii madaxdhaqameedya kale lagu dhalliilayey oo ah inay siyaaasaaddii iyo dhaqanka kalasaaraan. Waxase haboonaan lahayd inuu ka bilaabo inuu inta la tashado Issimada kale iyo siyaasiyiinta raadiyona waqtigaa (2006) sidii Puntland si wada jir ah loola xisaaabtami lahaa waxna loo wada qaybsan lahaa. Waase laga habboonaa inuu ka bilaabo inuu sidii hoggaamiye kooxeed malayshiyo SSC ah ku taliyey in la unko.
Si kastaba ha’ahaatee halkan waxa kaaga muuqda in Garaadku sabab ku leeyahay in uu soo dedejiyo Somali-land iyo qabsigeeda Laascaanood. Inuu sidoo kale abuuray khilaaf cusub iyo is faham la’aan madaxdhaqameedka ah maaadaama uu maalintii koowaad ee la caleemo saaray isagoon cidna kala tashan ku baaqay shir Soomliweyn Laascaanood isugu timaaddo isagoon eegin cawaaqibkay keeni karto. Iyo isagoo weliba uraadsaday qurbojoogtu inay dhaqaale ku bixiyaan shir aanay heshiis ku ahayn Issimadii kale. Wuxuu kaloo abuuray jawi kalsooni darro cusub oo maamulka Puntland ah maadaamaa uuyidhi Malayshiyaan qoranayaa.


Kaddib Qabsashadii Laascaanood.


Waxa ka abuurmay qurbaha wax yar qabsashadii Laascaanood ururka NSUM oo hadafkiisu ahaa sidii uu u abuuri lahaa inuu jawi lagusoo celin karo dhulkan SSC ee Somalidiidku qabsaday, iyo siduu farta ugu fiiqi lahaa tacaddiyada iyo ay Somalidiidku gobolkaa ka geysteen kaddib markay xoog ku qabsadeen dadkiina wax la dilo wax baro kaca iyo wax xabsiyada ku xidhan iyo inta soo hadhay oo la haystayaal ku noqday guryahoodii. Ururkani Garaadku badhtankuu ugalay xubin firfirconna wuu ka noqday.
Dabayaaqadii 2008kii waxa Puntland ka bilaabmay ololihii doorashada Puntland waxana tartanka ka qaybgalayey nin ay Garaadka gacansaaar fiican lahaayeen siyasaddana ku cusbaa ninkaasoo dad badan oo yaqaannaa ku tilmaami jireen fudayd iyo hadba meel ubood iyo hubsiimo la’aan (Xaglotoosiye).  Ninkaasu wuu ku guul darraystay madaxnimaduu filayey in si fudud lagu gaadhi karo. Waxuuna Garaaadka ugu tegey Saaxdheer iyadoo ay uga sii gudbeen Buuhoodle. Xilligaasi waxa Cagaarre ka socotay colaad udhexaysa reerka Garaadka boqraday Garaad Jaamac (Bahararsame) iyo reer Mahad.
Garaadkuse wuxuu xoogga saaray qancinta Xaglotoosiye wuxuuna warbaahinta ka sheegay inuu Puntland kalsoonidii kala noqday! Markanna Garaadku wuxuu illaaway inay jiraan Madaxdhaqameed kale oo talo kala dhexaayso mana uu tixgelin talona lamuu yeelan. Ismana uu waydiin in Puntland talo lagu galay hadday timaaddo in laga baxona loo baahan yahay in talo midaysan laysugu yimaaddo oo lagaga wada hadlo halkaana go’aan loo dhan yahay lagu gaadho.


Tallaabadii tan xigtay waxay ahayd ururkii NSUM oo uyeedhay Garaad Jaamac (Bahararsame) iyo Garaad Saleebaan (Ugaadhyahan) si ay utusaan bulshada Caalamk in reer SSC lagaga soo duuley Hargaysa dhulkoodii qayb ka mid ah uu haysto maamulka Hargaysa dadkuse aanu raali ka ahayn arrinkaa. Sidoo kale in loo helo mucaawinada caalaamku bixiyo wixii loogu talo galay gobollada SSC horena loo marin jireymaamulkan cadowga ah ee imminka Laascaanood haysta dadkiina baro kiciyey. Garaad Jaamac tigidh baa ururku udiray waxayna keeneen Nairobi, gaaraad Saleebaanse umay suurto gelin inuu yimaaddo. Keenistii Nairobi waxay gayaaysiisey NSUM in Garaad Jaamac iyagii inqilaabo oo uu wax uu ugu yeedhay “Dawlad iyo Madaxweyne” kusoo dhisay Nairobi.
Waxaa xigtay in aad loo isticmaalaay shaashadaha internetka sawirona la geliyey, shirar telefoonnona la qabtay dabaadeedna debedda laysku soo qaaday si loo helo dhaqaalihii “dawladdu ubaahnayd” safarkaasise wuxuu ku saqiiray Imaaraadka oo laqancin kari waayey. Jabuutaa laysku qaaday iyana oo dabaadeedna la damcay in dhulka la maro dhinaaca Itoopia iyana masaafuris baa xigey.
Dabayaaqadii  Buuro wadal ayay dawladdii Garaadku degtay waxana lugta laysku xidhay Garaad kaloo dhallinyaro ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxana la baal maray Madaxdhaqameedkii ruug caddaaga ahaa. Waxa talo laysugu soo ururiyey gaadhi Landcruiser ah oo marba dhinac loogu xawaareeyo sawirro internetka lasoo geliyo iyo shirar Telefoonno oo aan dhammaad lahayn oo qurbo joogta loo qabto. Dhaxalkiidawladduna wuxuu noqday Dhul cusub oo Somaliland qabsato, Puntland inteedii kale oo colaad loo qaado, Itoopiyoo dad ku xasuuqda Buuhoodle oo colaad laga abuuro, iyo dhulbahantoo tafaraaruq hor leh gala iyo Garaaddo lagu yidhaahdo “Degaanka nooga baxa haddii dagaal idinka dhab yahay degaaankiinaad ka bilaabi lahaydeene”.
Hadaladda la yaab ka leh waxa ka mid ah maxaa keenay markay Somaliland-tu ciidanka kusoo saartay Saaxdheer iyo Dharkayn in iyadoon xabbad la ridin ciidankii Buuhoodle loogu raray?! Waxa kaloo la yaab leh in doorashadii ololeheedii ka socoto Kalabaydh, Saaxdheer, iyo Dharkayngeenyo, maxaa sida nin hore sheegay Waqdari ciidan Bahararsame ah Garaadku ukeeni waayey mase jiraan ciidan Bahararsame ah oo meel fadhiya oo udiyaara Garaad Jaamac inuu Somaliland kula dagaallamo? Mise bad khali buu rabaa inuu rag kula ciyaaro!
Waxaan ka digayaa in labadan Garaad ee dhallinyarada ahi ay imminka kusoo noqonayaa Nugaal aagga Tukoraq si ay laba arrimood uga fuliyaan.  Tan koowaad inay sawirro iskaga qaadaan iyagoo baabuur tikniko ah agtaagan si debedda dhaqaale looga dalbo.Tan labaadna waa si Somaliland aaggan usoo weerarto oo dad kale loo baro kiciyo.
Waxaan kaloo kula talin lahaa dadka degaanka Sool iyo Sanaag inay sii xoojiyaan qaabanqaabada iyo ciidan ururintay hadda wadaan soona dhammaystiraan ciidankay ballanqaadeen iyo Hubkoodii, walaalahooda kale ee reer Caynna iyo Koonfurta Soolna ay ku daydaan ciidammo ururintaas. Marka lasoo dhammeeyo ciidammada reer walba iyo hubkoodana aag walbana loo sameeyo Taliye ciidan iyo Xarun, in dabadeed la sameeyo Taliye ciidan oo guud. Intaa ka bacdina wixii taageero iyo taakulayn ah si wada jir ah loogu magacaabo guddiyo ka raadiya maamulka Puntland iyo shacabka kalee aynu walaalaha nahay ee ruur Puntland.
Waxaan hadaalkaygii kusoo afjaray danta dadka Dhulbahante ka weyn mobile phone, gaadhi landcruiser ah oo maalinba meel istaaga iyo sawirro internetka lasoo geliyo. Dantu waxay ku jirtaa wada tashi isu tanaasul iyo isxaqdhawr haddaan dhinacyada laga wada gelinna meel daran baa laga eegi


Axmed Cali
daajiye@yahoo.com


Awrboogays.com


 fikirkani wuxuu ku koobanyahay qoraaga ku saxiixan wixii aragtiya ee aad noosoogudbinaysaan fadlan cinwaankiina iyo magaciina sooraaciya