Golaha Khasuusiga iyo Guud ahaanba Golaha Isimadda Beelaha Daraawiishta Iyo Jaaliyada qurba jooga ah inteeda Caafimaadka qabta(Caadifadda Beeneed,cudurka Qabyaaladeed iyo naceeybka ka fog).
 Inaad Tahay Masuul [Guubaabo] Masuuliyadda ama xilka ayaa amaano Ummadeed oo culeeys weyn leh una baahan dadaal,daacadnimo,karti dheeraad ah iyo howl-gudasho joogto ah kana turjumeeysa waajibaadka Masuulka loo doortay loo xil-saaray,waana mid guusheedu ku saleeysan tahay hab hogaan wanaag iyo hanaan qorsheynta Howlaha,waxaana jiraaya caqabado badan oo dhibkooda leh loona baahan yahay adkeeysi iyo dul-qaad dheeraad ah iyo Mudnaan siinta danta guud,hogaanka SSC Mudane-Suleeymaan Axmed(Xaglo-toosiya)Iyo Mudane-(Col-Cali Sabareey)xilka ama masuuliyada aad qaadeen marka hore Allah ha idiinku garab galo-Aamiin,marka xiga kuwii garto ahamiyadeeda oo isla markaana guta inshaa Allah,runtiina weey muuqdaan inaad tihiin Shakhsiyaad karti iyo dadaal badan,Xaaladda taagan awgeed,duruufaha qalafsan iyo xaaladaha jaha-wareer oo degaamadda SSC intii mudo ahaa ka jiray iyo sida aad durba guulaha waaweyn uga soo hooysen dhanka mideeynta iyo hanashada taageerada shacabka waa talaabo horumarkeeda leh soo dhoweeyna mudan(halkaas ka sii wadda). Waa La Idinaaminey Golaha Khasuusiga(Shuuradda)Marka hore gudooma soo dhoweeyn,marka xigga Nin lagu seexdoow ha seexan,Xilka golihiina sharafta leh ayaa ah tiirka koowaad ee asaasiga habka howl gudashadda guud ahaanba Hogaanka Sarre SSC iyo gaaritaanka higsiga bulsho-weynta iyo aayo ka talinta ku saleeysan karaamadda iyo maqaamka Ummadeed,inkastoo aad ku Timaadeen xilka hab beeleed oo aan aqoon iyo karti midna lagu saleeyn hadana howsha idiin hor taal iyo waajibaadka gudashadeeda bulshadu idiinka sugeeyno waa mid weyn,una baahan damiir nool,dareen wadaniyadeed iyo dadnimo wanaag danta guudna mudnaanta koowaad iyo qiimeeynta waqtiga iyo duruufaha taagan,hogaanka wanaaga ku taageera,khaladkana noqda kuwii ku dhaliil oo ka reeba(Durbaan beeneed may). Maqaleey Warlaay Golaha Isimadda Daraawiishta SSC-marka hore xurmo iyo Milgo gobeed gudooma,waxaa amaan iyo bogaadiin weyn mudan Farxadeeda leh in maanta golihii Isimadda la oran karaayo Aqlabiyadiisu waa mideeysan yahay,iyadoo la wada ogyahay in dhibaatadda dib u dhaceed,khilaafka iyo kala fogeeynta Beelaha SSC Isimaddu kaalin weyn ku lahaayeen(Runta lagama Gabado)maanta waxaan arkaa dadaalo iyo dhaq-dhaqaaqyo ku wajahan danta guud iyo wacyi gelinta dadweynaha iyo gudasho xilkoodii dhaqameed(hambalyo),Isimadda Xurmada mudan fadlan howsha halkaas ka sii wada oo weliba laban-laaba. Jaaliyadda qurba jooga SSC(Daraawiishta)horumarka iyo guud ahaan hanaanka wax-qabad oo ka muuqda degaamadda ama aqlabiyadda Dalka Somaaliyeed waxaa gacanta koowaad ka geeysteey Jaaliyadda qurba jooga ah ka dib markeey garteen Masuuliyadda diineed,qarameed iyo akhlaaqeed oo ka saaran Degaamadooda weeyna ku amaanan yihiin,markaas garta marka koowaad masuuliyada ina saaran hana lagu dadaalo habkii loo gudan lahaa iyagoo mudnaanta la siiyo wada-jirka iyo iskaashiga danta guud ku saleeysan sida ku haboona loola Jaan qaadaayo xaaladda waqtigan taagan iyo culeeyskeedda, In waajib ku sugaayo qof walboow ogoow(Hamablyo Shacabka Reer Buuhoodle geesiyaasha gumeeysiga iyo gun-nimada sida cad u diideeyn).Midab Guumeysi Diida -INAAD TAHAY MASUUL MAANKAAGA GELI- -Qorre-Xassan C/Laahi(Xassan Carab)- -Englnd-UK- 10/06/2010. Awrboogays.com -sharifhassan50@hotmail.com
|